Siirada nabiga CSW

 Nabigeena Muxammad NNKH wuxuu ku dhashay magaalada Maka Al-mukarama, sanad lagu magacaabo Caamul-fiil, 

 

 Bisha Rabiicul-awal, ama loo yaqaano (mowliid) 12-keeda, Habeen Isniin ah oo ay taariikhdu ahayd 571 miilaadi , 

 

 Intii uu yaraa waxaa nuujiyay Hooyooyin badan waxaana kamid ahaa Xaliimatu Sacdiya, Oo iyada heysay Nebiga SCW ilaa uu ka gaaray 4 sano , ka dib waxay ugaysay Hooyadiisa Aamina , 

 

 Hooyana waxay Heysay ilaa uu ka gaaro 6 sano, Dabadeed Hooyana wey dhimatay , kadibna waxaa kafaalo qaaday Awoowgiis C/mudalib , 

 

 Awoowna Wuu dhintay isagoo Nebigu SCW jiro 8 sano , hadana waxaa ka faalo qaaday Adeerkiisa Abuu Daalib , Abuu Daalib wuu jeclaa Nebiga si fiican ayuuna u soo koriyay , Abuu Daalib ma uusan seexan jirin in dhinaciisa uu jiifo Nebiga SCW maahee, hadii uu meel aadayana wuu wadan jiray Nebiga SCW, 

 

Nebiga Adeerkiisa Abuu-Daalib Wuxuu la joogay ilaa uu nin wayn ka noqdo , balse nasiib daro wuxuu ku dhintay Gaalnimo waana diiday inuu islaamo, 

 

Nabiga SCW markii uu gaaray 25-sano ayuu guursaday Haweeney la yiraahdo Khadiija-Bintu-Khuweylid, oo aheyd Haweeney aad u sharaf badan , garoob ah , maal badanna laheyd, jirtayna 40 sano , waxayna u dhashay 6 caruur ah. 

 

Nebigu markii uu gaaray 40 sano ayaa la diray oo laga dhigay Rasuul , 

 

Waxaana la amray inuu dadka ugu yeero towxiidka oo ah ilaahey inay caabudaan keligiis, markii 12 sano uu u yeeray dadkii deggenaa Maka iyo nawaaxigeeda aysanna rumayn dad badan ayaa la amray Rasuulka inuu u haajiro Madiina, isaga iyo asxaabtii rumaysaba. 

 

Waxayna tageen Madiinatul-Munawara, si fiican ayaana loogu soo dhaweeyay , Nebiga markii uu soo galay Madiina dadku waxay usafteen jidka dhinacyadiisa, iyagoo soo dhaweeynaya qaadayana Heeso , Sacab iyo Durbaan , jacayl ay uqabaan awgiisa , Heesaha waxaa ka mid ahaa :- 

 

 *طلع البدر علينا * من ثنييات الوداع* 

 

*وجب الشكر علينا * ما دعى لله داعي*

Nabiga markii uu soo galayey Madiina wuxuu saarnaa Hal Rukuub ah, wuxuuna kudagay Guriga AbuuAyuubul-Ansaar 

اللهم صلي على سيدنا محمد 💓⁦❤️⁩💖

Comments