Heylka

Faa’idooyinka Caafimaad Ee Haylka Iyo Cudurada Uu Jirka Ka Caabbiyo


Haylku waa xawaash caraf badan oo cuntada lagu darsado waxuuna uu yeelaa dhadhan fiican iyo udgoon, waana geed daaweed caafimaad badan. Wadanka ugu badan ee haylka soo saara waa Guatemala.


Haylku waa xawaashka saddexaad ee dunida u qaalisan marka laga soo tago Saffron iyo Vanilla-da. 


Maqaalkan waxaan ku soo aruurinay faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo haylka waxayna kala yihiin:


1. Caafimaadka afka:

Haylku wuxuu la dagaallamaa bakteeriyada waxyeellada badan ee keenta suuska ilkaha ee loo yaqaanno “Streptococcus mutans”. Haylku wuxuu dilaa bakteeriyada keenta huurada wuxuuna carfiyaa afka. Calali dhowr mir oo hayl ah si aad uga takhalusto urta aan fiicnayn ee afka.


 2. Caafimaadka Caloosha:

Haylku waxa uu kordhiyaa dheecaanka bayl, kaas oo hagaajiya caafimaadka dheefshiidka, islamarkaana ka hortagta laab jeexa iyo nabarrada caloosha, waxaa lagula tacaalaa lalabada iyo matagga, wuxuu yareeyaa hawada caloosha iyo calool fadhiga. 


3. Caafimaadka wadnaha:

Waxa uu yareeyaa heerka dufanka dhiigga, Waxaa yareeyaa halista wadne qabadka iyo dhan-qalalka (stroke) Shaaha lagu daro haylka wuxuu uroon yahay dadka dhiig karka qabo, waxaa ku jirta macdanta potassium oo ka qeyb qaadata kantaroolista cadaadiska dhiigga.


4. Cune xanuunka:

Haylka oo ah xawaash cuntada udug iyo dhadhan ku kordhiya, wuxuu hodan ku yahay maaddooyin mariidka liddi ku ah, iyo kuwo nabarrada cunaha iyo booga lagu daaweeyo. Haylku waxa uu yareeyaa kaarka cune xanunka iyo qufaca.


5. Niyad Jabka:

Niyad jabka waa xaalad caafimaad oo u baahan in il gooniya lagu eego. Waa xaalad dareen ah oo uu qofku muddo dheer dareemayo dhib iyo ciriri nafsadda ah. Haddii uu niyad jab ku hayo cab shaah lagu daray hayl maalin kasta, Shaaha haylka leh waxa uu yareeyaa astaamaha niyad jabka.


6. Cudurka kansarka:

Haylka waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista oo la dagaallama cudurka kansarka. Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in haylku uu awood u leeyahay inuu baabi’iyo unugyada kansarka


7. Ka hortagga sonkorowga:

Haylka waxaa ku buuxda maadada “manganese” taas oo hoos u dhigta halista cudurka sonkorowga.

Comments