Posts

Showing posts from January, 2023

Siirada nabiga CSW

 Nabigeena Muxammad NNKH wuxuu ku dhashay magaalada Maka Al-mukarama, sanad lagu magacaabo Caamul-fiil,     Bisha Rabiicul-awal, ama loo yaqaano (mowliid) 12-keeda, Habeen Isniin ah oo ay taariikhdu ahayd 571 miilaadi ,     Intii uu yaraa waxaa nuujiyay Hooyooyin badan waxaana kamid ahaa Xaliimatu Sacdiya, Oo iyada heysay Nebiga SCW ilaa uu ka gaaray 4 sano , ka dib waxay ugaysay Hooyadiisa Aamina ,     Hooyana waxay Heysay ilaa uu ka gaaro 6 sano, Dabadeed Hooyana wey dhimatay , kadibna waxaa kafaalo qaaday Awoowgiis C/mudalib ,     Awoowna Wuu dhintay isagoo Nebigu SCW jiro 8 sano , hadana waxaa ka faalo qaaday Adeerkiisa Abuu Daalib , Abuu Daalib wuu jeclaa Nebiga si fiican ayuuna u soo koriyay , Abuu Daalib ma uusan seexan jirin in dhinaciisa uu jiifo Nebiga SCW maahee, hadii uu meel aadayana wuu wadan jiray Nebiga SCW,    Nebiga Adeerkiisa Abuu-Daalib Wuxuu la joogay ilaa uu nin wayn ka noqdo , balse nasiib ...