Malabka
Faa’idooyinka caafimaad ee cunista malabka:
Malabku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka dabiiciga ah ee ugu faa’idada badan caafimaadka qofka, sababtuna waa xaddiga aadka u badan ee faytamiinnada, macdanaha kala duwan iyo asiidhada Amino ah ee ku jira malabka iyo sida oo kale maaddooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah bakteeriyada, dulinka iyo mariidka. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in malabka ay ku yar yihiin Kalooriska isla markaana aanu wax dufan ah lahayn, sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in qofku uu caadaysto in maalin kasta uu cuno malqacad malab ah.
Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Alcarabiya waxa ay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee ay dhakhaatiirtu sheegeen in laga dheefo malabka oo joogto loo cuno.
Ridista Miisaanka saayidka ah: Malabku waxa uu xoojiyaa awoodda dheefsashada cunto ee jidhka iyo gubashada dufanka, sidaa awgeed malabku waxa uu si aad ah u ridaa miisaanka saayidka ah.
Comments
Post a Comment